Chelsea Oo Si Dirqi Ah Uga Badisay Wrexham Una Gudubtay Wareega 8 Dhamaadka FA Cup-ka.

Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay inay gaartay wareega sideed-dhamaadka (Quarterfinals) ee FA Cup-ka, kadib markii ay 4-2 kaga adkaatay Wrexham kulan xiiso badan oo gaaray waqti dheeri ah (extra time).

Wrexham ayaa marka hore hogaanka qabatay daqiiqaddii 18-aad, kadib markii Sam Smith uu gool dhaliyay isagoo ka faa’iideystay baas uu ka helay Callum Doyle. Laakiin Chelsea ayaa barbareysay daqiiqaddii 40-aad, kadib markii gool iska dhalis ah uu sameeyay Arthur Okonkwo, waxaana sidaas ku dhammaatay qeybtii hore 1-1.

Qeybtii labaad, Wrexham ayaa mar kale hogaanka qabatay daqiiqaddii 78-aad, markii Callum Doyle uu gool dhaliyay kadib baas uu ka helay Windass. Si kastaba, Chelsea ayaa si degdeg ah uga jawaabtay, iyadoo Josh Achimpong uu barbareeyay daqiiqaddii 82-aad, taasoo ka dhigtay 2-2.

Dhamaadka waqtiga caadiga ah, Pedro Neto ayaa ku dhowaaday inuu Chelsea hogaanka siiyo, laakiin kubaddiisa xooggan ayaa ku dhacday birta kore (crossbar), taasoo keentay in ciyaartu gasho waqti dheeri ah.

Bilowga waqtiga dheeriga ah, Alejandro Garnacho ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Chelsea daqiiqaddii 96-aad, kadib baas uu ka helay Isugo. Wrexham ayaa isku dayday inay mar kale barbareyso, waxayna xitaa dhalisay gool daqiiqaddii 114-aad, balse VAR ayaa diiday goolkaas kadib markii lagu helay offside.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay, Joao Pedro ayaa dhaliyay goolka afraad ee Chelsea, taasoo ciyaarta ka dhigtay 4-2, isla markaana Chelsea u xaqiijisay inay u gudubto wareega Quarterfinal-ka ee FA Cup-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga