DEG-DEG: Liverpool Oo Xaqiijisay In Ryan Gravenberch Qalinka Ku Dugay Heshiis Cusub.

Liverpool FC ayaa si rasmi ah u shaacisay in khadka dhexe ee kooxda Ryan Gravenberch uu saxiixay qandaraas cusub oo muddo dheer ah.

Ciyaaryahanka ayaa qalinka ku duugay heshiiska cusub xarunta tababarka ee AXA Training Centre, taas oo ka dhigan inuu sii joogi doono Liverpool sannado badan oo soo socda, kana sii dheereynayo saddexdii sano ee uu hore kooxda ula joogay.

Gravenberch ayaa u sheegay bogga rasmiga ah ee Liverpool:

“Waxaan dareemayaa farxad weyn. Aad ayaan ugu faanayaa inaan qandaraas cusub ka saxiixo koox weyn sida Liverpool. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sii joogo sannado badan.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda iyo tababaraha ay muujiyeen kalsooni weyn:

“Waxaan si toos ah u dareemay kalsoonida kooxda iyo tababaraha. Sidaas darteed go’aanka ii ma adkaan. Qoyskeyguna sidoo kale way ku faraxsan yihiin halkan. Ku dhawaad saddex sano ayaan joognaa, markaa wax walba waan baranay. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo.”

Khadka dhexe ee Ryan Gravenberch ayaa ku biiray Liverpool FC bishii Sebtembar 2023 markii uu ka yimid Bayern Munich, tan iyo markaasna wuxuu noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxda uu tababaro Arne Slot.

Ciyaaryahanka 23 jirka ah ayaa ilaa hadda u saftay Liverpool 123 kulan, isagoo dhaliyay 8 gool. Wuxuu sidoo kale ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato:

EFL Cup sanadkii 2024iyo Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Gravenberch ayaa sheegay in hadafkiisu yahay:

“Muddo dhow, waxaan rabaa inaan si fiican u dhamayno xilli ciyaareedka”

Muddo dheer se, waxaan rabaa inaan koobab badan la qaado Liverpool.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga