John Terry Oo Ka Hadlay Tartanka Premier League, Kooxdee Ayuu U Saadaaliyay?

John Terry ayaa sheegay in barbarihii lama filaanka ahaa ee 2-2 ay Manchester City gurigooda kula galeen Nottingham Forest uu “si dhab ah” u muujinayo dhammaadka rajadooda tartanka horyaalka Premier League ee ay kula jiraan Arsenal.

City waxay u muuqatay inay ku sii jeedaan guul toddobaad oo xiriir ah dhammaan tartamada kadib markii Antoine Semenyo uu kubad volley ah ka dhaliyay oo dhaaftay goolhayaha Matz Sels, taasoo kooxda uu tababaro Pep Guardiola hoggaanka ugu dhiibtay daqiiqaddii 30-aad ee ciyaarta ka dhacaysay Etihad Stadium.

Rodri ayaa mar kale hoggaanka u soo celiyay kooxda guriga ciyaaraysay kaddib markii Morgan Gibbs-White uu dhaliyay gool qurux badan oo backheel ah bilowgii qeybta labaad, iyadoo Forest oo halis ugu jirta inay ka dhacdo horyaalka aysan is dhiibin.

Kooxda uu hoggaamiyo Vitor Pereira ayaa dadaalkooda lagu abaalmariyay markii Elliot Anderson uu 25-yard ka dhaliyay gool cajiib ah oo uu ka gudbiyay goolhayaha Gianluigi Donnarumma, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-2 daqiiqaddii 76-aad.

Natiijadaas ayay Arsenal ka faa’iidaystay iyaga oo 7 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka premier League kadib markii ay ka badiyeen kooxda Brighton.

Isagoo dib u milicsanaya dhacdooyinkii xiisaha lahaa ee habeenkaas, boggiisa TikTok, daaficii hore ee Chelsea iyo xulka England national team, John Terry, ayaa qirtay inuusan filaynin in Manchester City ay dhibco ku lumiyaan gurigooda kulankii ay la ciyaareen Nottingham Forest.

Wuxuu taageerayaashiisa u sheegay:“Waxaa jiray bandhigyo waaweyn iyo natiijooyin lama filaan ah oo ka dhacay Premier League xalay”

“Manchester City oo mar kale dhibco luminaysa, taas waxay u muuqataa inay tahay dhammaadka rajadooda, gaar ahaan kaddib markii Arsenal ay sidoo kale ka adkaatay Brighton & Hove Albion”

“Run ahaantii ma aanan filaynin natiijadaas.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga