Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa bixiyay war walaac leh oo ku saabsan Declan Rice kadib guushii 2-1 ahayd ee ay ka gaareen Chelsea Axaddii.
Guushaas waxay dib ugu soo celisay Gunners-ka farqi shan dhibcood ah oo ay kaga horeeyaan Manchester City horyaalka Premier League, balse maqnaanshaha suurtagalka ah ee Rice ayaa walaac gelinaya kooxda maadaama ay sugayaan jadwal mashquul badan.
Ciyaaryahanka xulka England ayaa sameeyay caawintii goolka guusha, wuxuuna muujiyay awoodiisa difaac isagoo ka dheereeyay Pedro Neto si uu u joojiyo weerar halis ah oo rogaal-celis ahaa.
Nasiib darro, Rice wuxuu u muuqday inuu muruq jiiday markii uu kubadda dib ugu celinayay goolhayaha David Raya. Wuxuu sii watay ciyaarta muddo kooban ka hor inta uusan codsan in la beddelo.
Arteta ayaa yiri:“Declan isagaa codsaday in la beddelo, sidaas darteed waa in la baaro si loo arko inuu diyaar u yahay kulanka Arbacada, nasiib darro.”
Be the first to comment