Liverpool Oo Calaamasatay Badalka Arne Slot.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in wadahadalo la yeelatay tababare Xabi Alonso si uu u noqdo badalka Arne Slot.

Slot ayuu saaran yahay cadaadis xoogan sabab la xidhiidha natiijooyinka liita ee kooxda xilli ciyaareedkan premier League.

Xabi Alonso ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Liverpool hadii loo soo bandhigo shaqada kooxda.

Alonso ayaa markii hore ahaa dookha 1-aad ee Liverpool markaas oo uu go’aansaday in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaagii.

Laakiin Alonso ayaa haatan bilaa shaqo ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada kooxda Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga