Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib Guuldaradii Man City.

Tababaraha Kooxda Man City Pep Guardiola ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisa kadib guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man United.

Man City ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda Man United kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaaa premier League.

Guardiola ayaa sheegay in horyaalku wali dheeryahay isla markaas wax walba dhici karaan inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

“Arrintu waxay la xiriirtaa sida aan u bislaannay koox ahaan. Waxaan dareemayaa inaan ilaa hadda sameynay waxyaabo aad u wanaagsan”.

“Si aan u noqono kuwo ka sii fiican sidii hore mararka qaarkood waxaa laga yaabaa inaan tallaabo dib u qaadno. Xilli-ciyaareedku waa mid dheer, waana inaan sii wadnaa Dagaalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga