Kooxda Manchester United ayaa gaartay guul qaali ah kaddib markii ay 2–0 kaga adkaatay deriskeeda Manchester City, kulan ka tirsanaa wareegga 22-aad ee Premier League, kaas oo ka dhacay Old Trafford.
Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 65-aad, kaddib weerar degdeg ah oo ku dhammaaday kubbad uu Bruno Fernandes u dhiibay Brian Mbeumo, kaas oo kubbad dhulka ah ka toogtay gudaha xerada ganaaxa, kuna hubsaday shabaqa.
Daqiiqaddii 76-aad, Manchester United ayaa dhalisay goolkeedii labaad waxaana dhaliyay Patrick Dorgu, kaddib kubbad dhinac ah oo uu soo qaaday Cunha, taas oo Dorgu ku dhameeyay toogasho ku dhacday tiirka goolka kadibna gashay shabaqa Donnarumma.
Daqiiqaddii 90+2, Manchester United ayaa dhalisay gool saddexaad oo uu dhaliyay Mason Mount kaddib caawin uu sameeyay Cunha, balse goolkaas waa la diiday sababo la xiriira offside.
Guul-darradan kaddib, dhibcaha Manchester City waxay ku istaageen 43 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta labaad si ku-meel-gaar ah, halka Manchester United ay dhibcaheeda u dirtay 35 dhibcood, kuna jirta kaalinta afraad si ku-meel-gaar ah.
Be the first to comment