Mohamed Salah ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Liverpool kaddib markii Masar laga reebay semi-finalka Koobka Qaramada Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanku ma noqon doono mid diyaar u ah inuu ka ciyaaro kulanka ay maanta la leeyihiin Burnley, maadaama uu weli hal kulan uga harsan yahay tartanka.
Liverpool waxa la xaqiijiyay in ay ka maqan yihiin xiddigaha Alexander Isak, Cononr Bradley iyo Giovanni Leoni kuwaas oo dhaawac fog qaba.
Alisson ayaa dib ugu soo laaban doona goolka, kaddib markii Giorgi Mamardashvili uu ciyaaray kulankii FA Cup-ka ee ay Liverpool kaga adkaatay Barnsley.
Dominik Szoboszlai ayaa la filayaa in uu ku bilowdo kulanka inkasta oo uu khalad xun sameeyay kulankii FA Cup-ka.
Ibrahima Konate iyo Virgil van Dijk ayaa sii ahaan doona daafaca dhexe iyada oo Joe Gomez kaliya yahay daafaca dhexe ee kooxda ku weheliya.
Xiddiga Milos Kerkez ayaa la filayaa in uu ku soo bilowdo isaga oo badali doona Andy Robertson.
Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Burnley:
Alisson; Frimpong, Konate, van Dijk, Kerkez; Gravenberch, Mac Allister; Szoboszlai, Wirtz, Gakpo; Ekitike
Be the first to comment