Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Nottingham Forest.

Go’aan daqiiqadaha ugu dambeeya ah ayaa la gaari doonaa si loo ogaado in Arsenal ay haystaan ciyaartoy dhaawac ka soo kabanaya oo diyaar u ah kulanka maanta ay la ciyaarayaan Nottingham Forest.

Gunners-ka ayaa maanta fiidkii u safri doona garoonka City Ground iyagoo rajeynaya inay sii dheereeyaan hoggaankooda lixda dhibcood ah ee ay ku hayaan sare ee jadwalka Premier League.

Tababare Mikel Arteta ayaa la filayaa inuu mar kale ku soo galo shax adag kaddib markii uu magacaabay koox waayo-aragnimo leh kulankii lugta hore ee semi-finalka Carabao Cup ee Arbacadii habeenkii ay Arsenal la ciyaartay Chelsea, kulan ay Arsenal ku badisay 3-2 garoonka Stamford Bridge.

Arteta ayaa subaxnimadii Jimcaha xaqiijiyay in kooxdiisu aysan wax dhaawac cusub ah ka soo gaarin kulankii ay la ciyaareen Chelsea.

Xiddigaha Piero Hincapie, Riccardo Calafiori, Cristhian Mosquera iyo Max Dowman ayaa dhamaantood la filayaa in la qiimeeyo xaaladooda ka hor kulanka.

Shaxda Ay Arsenal kaga hor tagi karto kulanka Nottingham Forest.

Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Zubimendi, Rice, Odegaard; Saka, Gyokeres, Trossard

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga