Kooxda Liverpool Football Club ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaartay xoojinta booska daafaca midig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka, waxaana ay go’aansatay inaysan la saxiixan ciyaaryahan cusub, inkasta oo uu dhaawac culus soo gaaray ciyaaryahankooda Connor Bradley, kaas oo la filayo inuu maqnaado ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.
Bradley ayaa dhawaan galay qalliin kaddib dhaawac halis ah, taasoo ka dhigtay inuu garoomada ka maqnaado muddo dheer. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Liverpool ayaa aaminsan in kooxda ay haysato xalal ku filan booskaas, sida ay werisay Sky Sports.
Shabakadda ayaa sharraxday in mid ka mid ah xulashooyinka jira uu yahay Calvin Ramsey, kaas oo la filayo inuu buuxiyo booska daafaca midig, maadaama ay kooxda ka caga-jiidayso inay sameyso saxiixyo cusub inta lagu jiro suuqa jiilaalka.
Warbixinno kale ayaa tilmaamaya in Liverpool ay suuqa kala iibsiga u dhaqaaqi doonto oo keliya haddii mid ka mid ah bartilmaameedyadii ay horay u aqoonsatay uu noqdo mid la heli karo bisha january, iyadoo Marc Guéhi, daafaca Crystal Palace oo qandaraaskiisu dhammaanayo dhammaadka xilli ciyaareedka, uu yahay mudnaanta koowaad.
Liverpool waxay qorsheyneysaa inay la saxiixato Guéhi xagaaga soo socda, balse faragelinta Manchester City iyo isku daygooda ah inay heshiiska dhammeeyaan bisha January ayaa laga yaabaa inay ku qasabto Reds-ka inay dib u eegaan go’aankooda oo ay horay u dhaqaaqaan, haddii wada-hadallada ay muujiyaan horumar weyn.
Be the first to comment