Liam Rosenior Oo Ka Hadlay Shaqada Chelsea Ka Hor Kulankiisa Ugu Horeeya Ee Blues.

Tababaraha Cusub ee kooxda Chelsea Liam Rosenior ayaa markii ugu horaysay ka hadlay shirka ka horeeya kulanka FA Cup-ka ee ay kooxdiisu ciyaari doonto bilowga todobaadka.

Liam Rosenior oo ka hadlay shaqada Chelsea ayaa yidhi

“Caqabadda ugu weyn waa in la abuuro dhaqan, ruux iyo qiyam sax ah. Awoodda ciyaartoydu waa mid heer caalami ah, balse waxaan u baahan nahay ruux guul-doon ah iyo faan ku aaddan xirashada funaanadda. Enzo Maresca wuxuu qabtay shaqo farsamo (tactical) oo aad u wanaagsan, hadda shaqadaydu waa inaan gaarsiiyo heerka xiga.”

“Naadi leh miisaan iyo taariikh sidan oo kale ah, taageerayaashu xaq buuxa ayay u leeyihiin inay rabaan guul hadda ah. Waa naadi ku suntan ku guuleysiga koobab. Taageerayaashu waa inay lahaadaan heerar sare oo noocaas ah. Si aan qalbiga taageerayaasha u kasbado, waa inaan ku guuleystaa kulamada kubadda cagta.”

“Waxaan aad ugu faanayaa inaan ahay tababare Ingiriis ah oo da’yar, kana shaqeeya mid ka mid ah naadiyada ugu waaweyn kubadda cagta adduunka”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga