Arne Slot Oo Amaanay Kooxdiisa kadib Bar-Barihii Arsenal.

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa amaanay bandhigga kooxdiisa kaddib barbaro adag oo 0-0 ah oo ay kula galeen Arsenal kulan ka tirsanaa Premier League.

Slot ayaa iftiimiyay kala duwanaanshaha labada qeybood ee ciyaarta, isagoo yiri:

“Waxaan muujinnay tayada aan halkan ugu imaan karno kuna guuleysan karno. Qeybtii hore, iyaga ayaa ahaa kooxda inta badan ku ciyaaraysay bartayada.

“Taas waxay dhalisay daqiiqado kubbado la isdhaafiyay (crosses), balse fursado badan ma aysan keenin. Qeybtii labaadse, gebi ahaanba waa ay ka duwanaatay, annaga ayaana kubbadda si buuxda u maamulnay ku dhowaad 45-kii daqiiqo oo dhan anagoo ku ciyaarnay bartooda.

“Waxa kaliya ee naga maqnaa, mana aha markii ugu horreysay, waa go’aannada iyo dhaqdhaqaaqa agagaarka xerada goolka”

“Waxaad rajaynaysaa inaad abuurto fursado ka badan, balse marka aad la ciyaarayso koox Arsenal ah oo leh kalsooni iyo xamaasad sare, in aad soo bandhigto ciyaar sidan oo kale ah waa arrin aan aad uga faraxsanahay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga