Sherwood Oo Man United U Tilmaamay Xiddig Aan Lahayn Awood Uu Ugu Ciyaarto Man United.

Tababarihii hore ee Premier League-ga Tim Sherwood ayaa u sheegay Manchester United in Benjamin Šeško uusan heer ku filan u lahayn inuu u ciyaaro kooxda.

Arrintan waxay timid inkastoo weeraryahanku uu laba gool ka dhaliyay Burnley habeenkii Arbacada. Ciyaaryahanka reer Slovenia ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo Red Devils ay bilaabeen bog cusub kaddib bixitaankii Ruben Amorim.

Sherwood ayaa hadalladan sheegay isagoo falanqeeye u ahaa Sky Sports intii ay ciyaartu socotay.

Tababarihii hore ee Aston Villa ayaa qiray goolasha Šeško, balse wuxuu ku adkeystay in weeraryahanku uusan lahayn tayada looga baahan yahay ciyaaryahan Manchester United ah.

“Waxaan u arkaa wax wanaagsan in Šeško uu laba gool dhaliyay. Rajeynayaa inay ka caawiso inuu kalsooni helo. Lix bilood ayaa laga joogaa markii uu ku biiray Manchester United, waana ku faraxsanahay wiilka”

“Wuxuu soo marayay waqti aad u adag, xitaa waxaan iri waa inuu ka baxaa garoonka nasashada oo uusan mar dambe u ciyaarin Manchester United”.

“Bal eeg, amaan ha la siiyo. Waxaa laga yaabaa inuu kalsooni dhisto, oo aan bilowno inaan aragno dhinac kale oo ka duwan”

“Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku taaganahay wixii aan horay u sheegay — kuma filna inuu u ciyaaro Manchester United. Hal kulan oo kaliya ayuu ka ciyaaray Burnley, oo ah koox u badan inay u laabato heerka hoose”

“Haddana, amaan ha la siiyo. Rajeynayaa inuu kalsooni helo oo aan aragno bandhigyo ka wanaagsan. Xitaa waxaan laga yaabaa inaan hadda ku daro kooxdeyda fantasy football!”

Manchester United waxaa hoggaaminayay Darren Fletcher kulankii ay 2–2 la galeen Burnley.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga