Arsenal Oo Ku Biirtay Tartaka Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Arsenal ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin inay galaan tartanka saxiixa Marc Guehi, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Gunners-ku waxay wajahayaan tartan adag oo uga imanaya Manchester City, kuwaas oo la rumeysan yahay inay si xooggan u dadaalayaan si heshiiska xiddiga xulka England loo dhammeystiro bishan gudaheeda.

Liverpool iyo Bayern Munich ayaa weli xiiseynaya kabtanka Crystal Palace, kaas oo qandaraaskiisu ku egyahay Selhurst Park xagaagan.

Xiddiga Guehi ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool suuqii xagaaga laakiin heshiiska ayaa bur-buray daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Kooxda Crystal Palace ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso daafaca suuqa January halkii ay si xor ah ku waayi lahayd xiddiga xagaaga dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga