Arsenal waxay rajaynayaan in Jurrien Timber uu kusoo laabto kulankooda muhiimka ah ee ay gurigooda kula ciyaarayaan Aston Villa.
Ciyaaryahanka reer Netherlands ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda kulankii ay 2–1 kaga badiyeen Brighton, kaddib markii uusan ka soo kabanin dhibaato uu ka qaaday kulankii ay la ciyaareen Crystal Palace ee tartanka Carabao Cup.
Riccardo Calafiori ayuu shaki weyn ku jiraa isaga oo ku dhaawacmay is kulaylintii ka horaysay kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa.
Dhinaca warka fiican Gabriel ayaa ka soo laabtay dhaawac uu qabay waxana uu diyaar u yahay kulanka in uu ka qayb qaato.
Shaxda Ay Arsenal kaga hor tagi karto:
Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Zubimendi, Rice, Odegaard; Saka, Jesus, Martinelli
Be the first to comment