Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.
Liverpool ayaa lagu wadaa inay la tartamaan Manchester City, iyagoo kor u qaadaya dadaalkooda £65 milyan ah ee ay ku doonayaan weeraryahanka Bournemouth ee u dhashay Ghana, Antoine Semenyo, oo 25 jir ah (Telegraph).
Tottenham ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo wareegi karaan khadka dhexe ee Jarmalka, Leon Goretzka, oo 30 jir ah, taasoo ay u soo bandhigtay kooxdiisa Bayern Munich (Teamtalk).
Manchester City ayaa diyaar u ah inay iibiso difaaca Nathan Aké, oo 30 jir ah, bisha Janaayo haddii ay helaan dalab ka badan £21 milyan (Sport).
Kooxda Liverpool ayaa miiska saartay alab dhan 60 milyan oo euro oo ay ku doonayaan xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Eduardo Camavinga (Fichajes).
Chelsea waxay filayaan suuqa kala iibsiga bisha January inuu noqdo mid deggan, inkastoo Blues ay doonayso in ay kooxda ku oo darto xiddig daafaca dhexe ka ciyaara (Standard).
Weeraryahanka Barcelona Robert Lewandowski, oo 37 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu ku qanco u wareegista Sacuudi Carabiya, maadaama ay jirto hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka xiddiga xulka Poland ee garoonka Nou Camp (AS).
Kooxda Man United ayaa ka fiirsanaysa in ay suuqa January u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Everton ee James Garner (Mail).
Kooxda Tottenham ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Marmoush (Sport).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay amaah uGu dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka PSG ee Goncalo Ramos (Caught Offside).
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Nathan Ake (Caughtoffside).
Be the first to comment