Arsenal ayaa dib ugu laabatay hoggaanka kala sarreynta horyaalka Premier League, kaddib guul ay ka gaareen Brighton.
Gunners-ka ayaa helay saddexda dhibcood oo buuxa kaddib markii ay 2-1 kaga badiyeen Seagulls-ka garoonka Emirates Stadium Sabtidii.
Guushan ayaa Arsenal ka dhigtay inay mar kale ka sarreyso Manchester City, iyagoo dib ugu soo laabtay hoggaanka kala sarreynta horyaalka Premier League, kaddib markii Manchester City ay si ku-meel-gaar ah u gaareen hoggaanka, kadib guul 2-1 ah oo ay ka gaareen Nottingham Forest horraantii isla maalintaas.
Halkan waxa aan ku Soo bandhigi doonaa is Bar-Baro dhig Kulamada 5-ta ah ee u Soo wocda labada Kooxood Ee Ku Tartamaya Horyaalka premier league.
5-ta Kulan ee Arsenal Ee Soo wocda:
- Aston Villa
- Bournemouth
- Liverpool
- Portsmouth (FA Cup)
- Chelsea
5-ta Kulan ee Man City ee Soo wocda:
- Sunderland
- Chelsea
- Brighton
- Exeter City (FA Cup)
- Newcastle United
Be the first to comment