Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay in kooxdiisu ay si aad ah u doonayaan inay guuleystaan, iyadoo ay weli hoggaanka u hayaan tartanka hanashada horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa lagu qasbay inay si adag u raadiyaan guul kale oo ciriiri ah, kaddib markii ay 2-1 kaga badiyeen Brighton garoonka Emirates Sabtidii.
Kabtan Martin Ødegaard ayaa dhaliyay goolka furitaanka qeybtii hore, kaddib laad hoose oo xooggan.
Ragga Arteta ayaa laba jibbaaray hoggaankooda isla markiiba kaddib markii la soo laabtay nasashada, kaddib gool ay iska dhaliyay Georginio Rutter.
Laakiin Brighton ayaa hal gool dib u helay oo uu dhaliyay Diego Gomez, sidoo kalena waxay ku dhowaadeen inay barbareeyaan, balse waxaa ka hor istaagay badbaadin cajiib ah oo uu sameeyay goolhaye David Raya.
Markii wax laga weydiiyay jawiga cabsi iyo walwalka leh ee ka jiray garoonka kaddib markii Brighton ay gool dib u heleen, Arteta wuxuu yiri:
“Taasi waa rabitaanka guusha! Dhammaanteen waxaan si aad ah u doonaynaa inaan guuleysanno.
“Hadda ma doonayo inaan waayo wixii aan haysto, waana inaan ciyaarnaa si aan u sii dhalino goolal, una muujinno deggenaansho iyo awood, waana inaan dhalin lahayn goolka saddexaad.
“Waxaan helnay laba fursadood oo waaweyn oo aan ku gaari lahayn 3-1, markaasna wax walba way ka duwanaan lahaayeen. Maanaan sameyn, sidaas darteed waa inaan wax yar sii adkeysannaa.”
Be the first to comment