Waxaa garoonka Stamford Bridge ka dhacay kulan xiiso leh oo u dhexeeyay Aston Villa iyo Chelsea oo ka tirsanaa wareegga 18-aad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, kaasoo ku dhammaaday guul ay Aston Villa ku gaartay 2–1.
Chelsea ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 37-aad kaddib gool uu dhaliyay João Pedro, balse Aston Villa ayaa la timid jawaab adag, iyadoo Ollie Watkins uu barbareeyay natiijada daqiiqaddii 63-aad, ka hor inta uusan dhalin goolka labaad ee guusha daqiiqaddii 84-aad, taasoo keentay in Aston Villa ay qaadato saddexda dhibcood.
Guushan kaddib, dhibcaha Aston Villa ayaa gaaray 39 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka, taasoo sii xoojisay fursadahooda tartanka boosaska sare.
Dhanka kale, dhibcaha Chelsea ayaa ku istaagay 29 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta shanaad, arrintaas oo sii kordhinaysa cadaadiska saaran kooxda reer London si ay dib ugu laabtaan wadadii guulaha kulamada soo socda.
Be the first to comment