Barcelona Mise Real Madrid? Super Computer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Karta Horyaalka La Liga.

SuperComputer ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa hogaaminaysa horyaalka La Liga iyaga oo 4 dhibcood ka horeeya kooxda Real Madrid oo ku jirta kaalinta 2-aad.

Inkasta oo ay Real Madrid xog ahaan u qalanto in ay hogaamiso horyaalka La Liga hadana Barcelona ayaa loo saadaaliyay in ay ku guulaysato horyaalka La Liga.

Supercomputer ayaa sheegay in xaalada jadwalka ee haatan ay ka duwanaan lahayd sida haatan hadii ay Real Madrid goolal u badali lahayd fursadaha ay helaysay isla markaas heli lahaayeen 39 dhibcood iyaga oo 3 dhibcood ka horayn lahayd Barcelona.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga