Liverpool Oo Garaacday Wolves Isla Markaas Soo Gashay Kaalinta 2-aad.

Kooxda Liverpool ayaa gaartay guul qaali ah kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay dhiggeeda Wolverhampton, kulan ka tirsanaa wareegga 18-aad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, kaas oo ka dhacay garoonka Anfield.

Liverpool ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 41-aad, waxaana goolkaas dhaliyay Ryan Gravenberch, halka Florian Wirtz uu daqiiqaddii 42-aad u dhaliyay goolka labaad ee Liverpool.

Kooxda Wolverhampton ayaa yareysay farqiga daqiiqaddii 52-aad, gool uu dhaliyay Santiago Bueno.

Guushan kaddib, Liverpool ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 32 dhibcood, iyadoo si ku-meel-gaar ah u fadhida kaalinta afaraad, halka Wolverhampton ay ku hartay 2 dhibcood, kuna jirta kaalinta 20-aad oo ah tan ugu dambeysa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga