Arsenal Oo Garaacday Brighton Isla Markaas Man City Kala Wareegtay Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa gaartay guul muhiim ah kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Brighton, kulan ka tirsanaa wareegga 18-aad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, kaas oo ka dhacay garoonka Emirates.

Arsenal ayaa si degdeg ah u furtay goolasha daqiiqaddii 14-aad, waxaana goolkaas dhaliyay Martin Ødegaard. Kadib, daqiiqaddii 52-aad ayay kooxda ku dartay goolka labaad, kaddib markii Jorginho Rutter uu si kama’ ah kubadda ugu dhaliyay goolkiisa isaga oo Arsenal hogaanka u dhiibay.

Brighton ayaa yareysay farqiga daqiiqaddii 64-aad, gool uu dhaliyay Diego Gómez, balse taasi kuma filnaanin inay ka badbaadaan guuldarro ay kala kulmeen kooxda martida loo ahaa.

Guushan kaddib, Arsenal ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 42 dhibcood, iyadoo sii haysata hoggaanka kala sarreynta horyaalka Ingiriiska, halka Brighton ay ku hadhay 24 dhibcood, kuna jirta kaalinta 12-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga