Kabtanka xulka Algeria, Riyad Mahrez, ayaa haatan ah gooldhaliyaha wadaagga ah ee ugu sarreeya tartanka socda ee Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON), kaas oo ka socda dalka Morocco.
Arrintan ayaa timid kaddib markii la soo gabagabeeyay kulammadii 2-aad ee wareegga heerka group-yada ee AFCON, kuwaas oo la ciyaaray Axadii.
Xiddiga xulka Algeria ee Riyad Mahrez ayaa sii wada wacdarihii isaga oo dhaliyay gool kulankii uu xulkiisu ka badiyay xulka Burkina Faso.
Gooldhalayaasha ugu sarreeya AFCON ka hor inta uusan bilaaban wareegga labaad ee kulammada heerka group-yada oo bilaabanaya Jimcaha:
- Riyad Mahrez (Algeria) 3 Gool
- Nicolas Jackson (Senegal) 2 Gool
- Elias Achouri (Tunisia) 2 Gool
- Lyle Foster (South Africa) 1Gool
- Semi Ajayi (Nigeria) 1 Gool
- Ademola Lookman (Nigeria) 1 Gool
- Amad Diallo (Ivory Coast) 1 Gool
- Marvin Anieboh (Equatorial Guinea) 1 Gool
- Mohamed Salah (Egypt) 1 Gool
Be the first to comment