Xiddig Man United Ah Oo Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadhay AS Roma.

Roma waxay horumar weyn ka sameeyeen dadaalkooda ku aaddan saxiixa Joshua Zirkzee, iyadoo la sheegay in weeraryahanka reer Netherlands uu oggolaaday heshiiska shaqsiga ah ee uu kaga soo wareegayo Manchester United, sida uu qoray Calcio Mercato.

Kooxda Serie A-da ayaa soo jeedinaysa heshiis amaah ah, iyadoo wada-xaajoodyada ku saabsan ikhtiyaar ama waajib iibsasho ay si wanaagsan uga socdaan labada naadi.

Ciyaaryahanka 24-jirka ah ayaa ka niyad jabsan fursadaha xaddidan ee uu ka helayo Rúben Amorim, wuxuuna doonayaa inuu helo ciyaar joogto ah si uu dib ugu soo nooleeyo xirfaddiisa una xaqiijiyo booskiisa xulka Netherlands ka hor Koobka Adduunka 2026.

Xiddiga reer Netherlands ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man United isaga oo ka dambeeya xiddiga sesko.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga