Liverpool Oo Garaacday 10 Xiddig Oo Tottenham Ah.

Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa premier League todobaadkiin 17-aad.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo Tottenham ciyaarta kaadhka cas looga saaray xiddig.

Daqiiqadii 56-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alexander Isak kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Liverpool ayaa daqiiqadii 66-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Hugo Ekitike kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Richarlison ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay goolka isaga oo ciyaarta dib u furay daqiiqadaha ugu dambeeya.

Liverpool ayaa sidaas ku badisay iyaga oo garaacay kooxda Tottenham oo 9 xiddig ahayd.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga