Haaland Oo Bar-bareeyay Rikoodhkii Cristiano Ronaldo.

Erling Haaland ayaa Manchester City hoggaanka u dhiibay kulankooda Premier League ee ay la ciyaarayeen West Ham United.

Daqiiqaddii 5-aad ee ciyaarta, weeraryahanka reer Norway wuxuu ku sugnaa meel sax ah xilli ku habboon isagoo ku jira xerada goolka.

Inkasta oo isku daygiisii ugu horreeyay la joojiyay, Haaland wuxuu ku xigay kubbad xooggan oo si toos ah u gashay geeska sare ee goolka.

Kadib goolka, weeraryahanku wuxuu sameeyay dabaaldegii uu caan ku ahaa ee “robot movement”, waxaana ku soo biiray saaxiibbadiis kooxda.

Goolka ayaa agaa goolkii 103-aad we uu ka dhaliyay Premier League isaga oo bar-bareeyay rikoodhkii Cristiano Ronaldo inkasta oo uu Ciyaaray 122 Kulan ka Yar Inta uu Ronaldo Ciyaaray.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga