Man United, Man City Mise Liverpool? Semenyo Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Suuqa Jamuary.

Xiddiga kooxda Bournemouth ee Antoine Semenyo ayaa lagu Soo waramayaa in uu doortay kooxda uu ku biirayo Suuqa Jamuary.

Antoine Semenyo ayaa sumcad weyn ku samaystay Premier League isaga oo wacdaro ka dhigay Horyaalka tan ilaa markii uu ku Soo biiray.

Xiddiga ayaa Soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee Premier League kuwas oo Ku dagaalamaya saxiixiisa.

Kooxaha Man United, Man City, Chelsea iyo Liverpool ayaa ku dagaalamaya saxiixiisa Suuqa Jamuary.

Saxafiga Jamie Jackson ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Ghana uu doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool Suuqa Jamuary Halka dookhiisa 2-aad yahay in uu ku biiro kooxda Man City halkii uu ku biiri lahaa Man United.

Heshiiska Semenyo ayaa lagu bur-burin karaa lacag dhan 65 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga