Arne Slot Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Tottenham.

Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka warbixiyay xaaladda ciyaartoyda kooxdiisa ka hor kulanka ay la leeyihiin Tottenham.

“Cody Gakpo wuxuu ka soo kabanayaa dhaawaca si ka dhakhso badan intii la filayay. Baaritaannada ayaa muujiyay natiijooyin wanaagsan, sidaas darteed hadda kama welwelin sidii aan u welwelsaneyn toddobaad ama labo toddobaad ka hor. Wuxuu soo laaban karaa wax yar ka hor intii aan markii hore fileynay, balse hubaal ma aha berri ama toddobaadka dambe,” ayuu yiri Slot.

Joseph Gomez ayaa seegi doona ciyaarta, halka ka qeybqaadashada Dominik Szoboszlai ay ku xiran tahay inuu dhameystiro tababar buuxa iyo qiimeynta xaaladdiisa.

“Joe ma heli doono fursad usbuucan. Dominik shalay ayuu markii ugu horreysay tababar qeyb ahaan sameeyay, sidaas darteed waan arki doonaa sida uu maanta iyo berri dareemayo. Jeremy-na wuxuu ku soo laabtay kooxda.”

“Marka laga hadlayo Szoboszlai, wax walba waxay ku xiran yihiin sida uu uga soo baxo tababarka. Haddii uu si raaxo leh u dareemo oo uu dhameystiro dhammaan tillaabooyinka loo baahan yahay, wuu ciyaari karaa. Dominik wuxuu ahaa ciyaaryahankeyga ugu muhiimsan sanad iyo bar, wuxuuna berri bilaabi lahaa ciyaarta haddii uu si buuxda u taam yahay,” ayuu raaciyay Slot.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga