Amorim Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Aston villa.

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa xaqiijiyay in wax isbeddel ah uusan ku iman ciyaartoyda uu heli karo kulanka ay la leeyihiin Aston Villa.

Arrintaas waxay ka dhigan tahay in daafacyada dhexe Harry Maguire iyo Matthijs de Ligt ay weli maqnaan doonaan, isla markaana aysan u diyaar ahayn tababaraha reer Portugal.

“Waxaan u maleynayaa in qof walba xaaladdiisu wanaagsan tahay,” ayuu yiri Amorim. “Waxaan leenahay hal tababar oo kale, balse maanta ciyaartoyda kale dhammaantood way diyaar yihiin.

“Waxaan caddeynayaa in uusan jirin ciyaaryahan soo kabanaya ama cusub oo ka maqnaanaya. Waa isla ciyaartoyda aad hore u taqaanay.”

Manchester United ayaa si weyn ula dhibtooday maqnaanshaha daafac dhexe oo khibrad leh kulankii ay la ciyaareen Bournemouth, iyagoo laga dhaliyay in ka badan hal gool oo si toos ah uga yimid bartamaha difaaca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga