Robert Lewandowski ayaa diyaar u ah inuu aqbalo dhimis mushahar si uu ugu sii nagaado Barcelona, sida ay sheegtay Cadena SER.
“Haddii kooxda u sameyso heshiis cusbooneysiin ah oo mushahar-dhimis ah, wuxuu diyaar u yahay inuu dadaal sameeyo,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Heshiiska Lewandowski ee Barca wuxuu dhacayaa xagaaga 2026, waxaana la sheegay in dhowr kooxood oo ka baxsan Yurub ay xiiseynayaan saxiixiisa.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka 37-jirka ah ayaa doorbidaya inuu ugu yaraan hal xilli-ciyaareed oo kale ku sii nagaado Barcelona, sida ay sheegayaan warbaahinta Catalonia.
Dhinaca Barcelona, mushaharka sare ee Lewandowski ayaa noqon kara caqabad. Taasi waa sababta mushahar-dhimistu ay u noqon karto xal lagu sii haynayo.
Be the first to comment