Haaland, Semenyo, Zirkzee Maresca Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.

Manchester United iyo Roma aad ayay ugu kala fog yihiin qiimeynta Joshua Zirkzee, 24 jir, iyadoo kooxda Premier League-ga ay dalbanayso lacag ku dhow £35 milyan isla markaana ay ka caga-jiidaysay oggolaanshaha heshiis amaah ah oo loogu dirayo weeraryahanka reer Netherlands (Corriere dello Sport).

Barcelona ayaa doonaysa inay kordhiso qandaraaska Hansi Flick ilaa sanadka 2028, inkastoo tababaraha Jarmalka ah ee 60 jirka ah uu kaliya bishii May ee sanadkan la saxiixday heshiis cusub oo uu kula joogayo kooxda heysata horyaalka Spain ilaa 2027 (Bild).

Barcelona ayaa sidoo kale indhaha ku haysa daafaca Aston Villa, Pau Torres oo 28 jir ah, iyo daafaca caalamiga ah ee Jarmalka u ciyaara Borussia Dortmund, Nico Schlotterbeck oo 26 jir ah, iyagoo raadinaya inay la saxiixdaan daafac dhexe oo bidixda ka ciyaara (ESPN).

Mudnaanta Chelsea ee xagaaga waxay noqon doontaa xoojinta khadka dhexe iyadoo la xusay labada xiddig ee England, Kobbie Mainoo oo 20 jir ah kana tirsan Manchester United, iyo Adam Wharton oo 21 jir ah kana ciyaara Crystal Palace (Telegraph).

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku boorriyay Manchester United inay la saxiixdaan Erling Haaland, Jude Bellingham iyo Declan Rice intii uu ahaa tababaraha Old Trafford, balse halkii ay taas ka samayn lahaayeen waxay la wareegeen Donny van de Beek, Jadon Sancho iyo Cristiano Ronaldo (Mail).

Kooxda Man United ayaa loo soo bandhigay in ay qiimo jaban kula saxiixato xiddiga Khadka dhexe ee Ruben Neves (Metro).

Kooxda Man United ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddiga Antoine Semenyo suuqa January (x).

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay tababaraha Chelsea ee Enzo Maresca ku badasho Pep Guardiola xilli ciyaareedka dambe (Teamtalk).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga