Manchester United ayaa diyaar u ah inay Kobbie Mainoo fasaxaan bisha january haddii ay helaan dalab aad u weyn sida ay sheegtay Sky Sports.
Kooxda ayaa go’aansatay inay sii haysato ciyaaryahanka 20-jirkan, maadaama uu weli yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha mustaqbalka fog ee tababare Ruben Amorim.
Inkasta oo ay xiiseynayaan dhowr kooxood oo Premier League ah, haddana tiro kooban oo keliya ayaa dhab ahaan awood u leh inay buuxiyaan shuruudaha dhaqaale ee lagu iibsan karo.
United waxay rumeysan tahay in Mainoo leeyahay hibo weyn, isla markaana ay filayaan inuu sii horumaro marka uu sii weynaado.
Si kastaba ha ahaatee, fursad la’aanta uu ka helayo kooxda koowaad xilli-ciyaareedkan ayaa keentay niyad-jab.
Mainoo, oo ka soo baxay akadeemiyada kooxda, weli ma uusan ku bilaaban hal kulan oo Premier League ah, halka walaalkiis uu dhawaan baraha bulshada ka sameeyay hadal-heyn weyn kaddib markii uu Old Trafford ka soo muuqday isagoo xiran funaanad ay ku qoran tahay “Free Kobbie Mainoo”, taas oo si degdeg ah u faaftay.
La qabsiga Mainoo ee waqtiga ciyaarta oo yaraaday ayaa noqday mid adag, gaar ahaan maadaama uu hore u ahaa ciyaaryahan joogto ah xilligii tababarihii hore Erik ten Hag.
Sida uu Mainoo uga falceliyo xaaladdan ayaa saameyn ku yeelan karta go’aannada United ee suuqa kala iibsiga Janaayo, balse illaa hadda, kooxda ayaa weli ka go’an inay ku sii hayaan Old Trafford.
Be the first to comment