Liverpool weli rajo fiican ayay ka qabaan dhaawaca canqowga ee Dominik Szoboszlai ka hor kulankooda Premier League ee ay Sabtida martida ugu noqonayaan Tottenham.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa lagu qasbay in la beddelo daqiiqaddii 83-aad ee guushii 2-0 ahayd ee Liverpool kaga adkaatay Brighton kulan ka dhacay Anfield toddobaadkii hore.
Iyadoo Joe Gomez isna la beddelay qeybtii hore ee ciyaarta sababo la xiriira dhaawac, Szoboszlai ayaa u ciyaaray booska daafaca midig maadaama Conor Bradley uu ka maqnaa kulanka ganaax awgiis.
Sida uu sheegay The Athletic, Szoboszlai ayaa lagu sameeyay baaritaan (scan) ku saabsan dhaawaca canqowga, natiijooyinkuna waxay muujiyeen in xiddiga xulka Hungary uusan qabin dhaawac culus.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu “si wanaagsan uga jawaabay daaweynta maalmahan u dambeeyay” isla markaana aan weli laga reebin safarka Liverpool ay ku tagayaan Spurs (Tottenham).
“Ma uusan u ekaan mid xaaladdiisu fiicnayd markii aan arkay, balse wuxuu leeyahay maskax iyo adkaysi cajiib ah, sidaas darteed aan rajeyno waxa ugu wanaagsan,” ayuu Slot ka yiri Szoboszlai kaddib guushii ay ka gaareen Brighton.
Be the first to comment