Carlos Baleba Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

Bartilmaameedka suuqa kala iibsiga Manchester United, Carlos Baleba, ayaa qirtay inuu saaray cadaadis aad u badan naftiisa kaddib wararka la xiriirinayay inuu ku biiri karo Old Trafford heshiis gaaraya £100 milyan.

Xiddiga xulka Cameroon ayaa loo arkayay mid ka mid ah musharrixiinta ugu waaweyn ee saldhig u noqon kara khadka dhexe ee cusub ee Manchester United xagaagii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, masuuliyiinta United ayaa ka gaabsaday qiimaha ay Brighton dalbatay, iyagoo doortay inay sugaan oo ay dhaqaalahooda ku bixiyaan xoojinta meelo kale oo ka mid ah kooxda koowaad ee uu hogaaminayo Ruben Amorim.

Iyadoo Kobbie Mainoo uu ka baxay doorashada koowaad, Amorim ayaa si weyn ugu tiirsanaa khadka dhexe ee Bruno Fernandes iyo Casemiro inta lagu jiray qeybtii hore ee xilli ciyaareedka, taasoo keentay natiijooyin isugu jira guulo iyo guuldarrooyin.

Dhanka kale, Baleba wuxuu ku sii nagaday Brighton, balse wuu ku dhibtooday inuu dib u helo qaab ciyaareedkii sare ee ka dhigay ciyaaryahan lagu qiimeeyo ilaa £100 milyan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu beeniyay in hadal-heynta ku saabsan suuqa kala iibsiga ay door ku lahayd bilowgiisii adkaa ee xilli ciyaareedka.

Isagoo ka hadlayay ka hor ka qeyb-galka tartanka soo socda ee AFCON, wuxuu yiri:

“Uma maleynayo inay i saameysay arrintaas, balse cadaadis badan ayaa i saarnaa”

“Markii aan bilaabay xilli ciyaareedka, waxaan doonayay inaan soo bandhigo isla qaab ciyaareedkii aan sameeyay xilli ciyaareedkii hore. Maalin kasta waxaan isku dayaa inaan si adag u shaqeeyo oo aan dib ugu laabto heerkeygii.”

“Ma is saaray cadaadis aad u badan naftayda? Haa, waan u maleynayaa sidaas, balse waxaan u arkaa inay taasi tahay wax wanaagsan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga