Lacagta Ay Heli Doonaan Xulalka Ka Qayb Galaya Koobka Adduunka Oo La Shaaciyay.

FIFA ayaa ku dhawaaqday qadarka lacagaha abaal-marinta ee Koobka Adduunka 2026, kaas oo ay ka qayb geli doonaan 48 xul, taasoo ka tarjumaysa ballaarinta weyn ee tartanka iyo kororka dakhliga maaliyadeed ee uu leeyahay.

Xul kasta oo ka qayb-gasha Koobka Adduunka 2026 waxay heli doontaa ugu yaraan $10.5 milyan, xitaa haddii aysan wax guul ah ka gaarin tartanka, taasoo xaqiijinaysa faa’iido maaliyadeed oo weyn dhammaan xulalka ka qayb-galaya.

Xulka ku guuleysta koobka ayaa heli doona $50 milyan, halka xulka kaalinta labaad gala uu heli doono $33 milyan. Xulka kaalinta saddexaad gala wuxuu heli doonaa $29 milyan, halka xulka kaalinta afraad gala uu heli doono $27 milyan.

Xulalka ku dhammeysta kaalmaha shanaad ilaa siddeedaad (5–8) mid walba wuxuu heli doonaa $19 milyan, halka xulalka kaalmaha sagaalaad ilaa lix iyo tobnaad (9–16) mid walba uu heli doono $15 milyan.

Sidoo kale, xulalka kaalmaha 17aad ilaa 32aad mid walba wuxuu heli doonaa $11 milyan, halka xulalka kaalmaha 33aad ilaa 48aad mid walba uu heli doono $9 milyan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga