Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.
Kooxaha Arsenal, Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Tottenham dhammaantood waxay ku jiraan tartanka loogu jiro saxiixa garabka reer Ghana ee Bournemouth, Antoine Semenyo, oo 25 jir ah (Talksport).
Manchester United ayaa laga yaabaa inay iska iibiso weeraryahanka reer Netherlands 24 jirka ah Joshua Zirkzee, kaas oo bartilmaameed u ah Roma, si ay lacag ugu helaan heshiis suurtagal ah oo ay kula soo wareegaan Semenyo (Mail).
Garabka Chelsea, Tyrique George, ayaa doonaya inuu ka tago Blues bisha Janaayo, waxaana jira kooxo badan oo Premier League ah, sidoo kale RB Leipzig iyo Roma, oo ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan saxiixa (CaughtOffside).
Arsenal ayaa xiisaynaysa daafaca bidix ee David Bartesaghi kaas oo haatan kooxda Ac Milan kula jira heshiis ilaa 2030 ah (Calciomercato).
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa ka hor istaagi doona laacibka khadka dhexe ee reer England, Kobbie Mainoo, oo 20 jir ah, inuu ka tago kooxda bisha January, xilli ay jirto xiiso kaga imaanaysa Napoli (Metro).
Chelsea iyo Bayern Munich ayaa ah kuwa ugu horreeya (frontrunners) kooxaha badan ee isku dayaya inay la soo saxiixdaan Mainoo (Metro).
Barcelona ayaa hoos u dhigtay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka reer Serbia, Dušan Vlahović, iyadoo ciyaaryahanka 25 jirka ah ay u badan tahay inuu AC Milan kaga biiro Juventus halkii uu Barcelona tegi lahaa (Sport).
Real Madrid iyo Paris St-Germain ayaa doonaya inay la soo saxiixdaan daafaca reer France ee Bayern Munich, Dayot Upamecano, balse kooxda Bundesliga ayaa rabta inay wadahadallo qandaraas cusub la gasho ciyaaryahanka 27 jirka ah (Bild).
Manchester United ayaa qorshaynaya inay tixgeliyaan dalabyo laga soo gudbiyo laacibka khadka dhexe ee reer Uruguay, Manuel Ugarte, oo 24 jir ah, bisha January (Football Insider).
Kooxda Sacuudiga ee Al-Hilal ayaa diyaar u ah inay soo bandhigto dalab bisha January si ay ula wareegto garabka Liverpool ee reer Masar, Mohamed Salah, oo 33 jir ah (Sun).
Liverpool ayaa haatanba u sii diyaarsatay beddelka Mohamed Salah – weeraryahanka caalamiga ah ee reer Ghana kana tirsan Bournemouth, Antoine Semenyo, oo 25 jir ah (Express).
Arsenal ayaa diyaar u ah inay la tartanto Real Madrid tartanka loogu jiro saxiixa garabka reer Turkey ee 20 jirka ah, Kenan Yıldız, bisha January, xilli ay hakad galeen wadahadallada qandaraaskiisa ee Juventus (Goal).
Be the first to comment