Ruben Amorim Oo La Duubay Isaga Oo Ku Qaylinaya Xiddig Man United Ah Kulankii Bournemouth

Falcelin caro leh oo uu muujiyay Ruben Amorim kuna wajahan Leny Yoro gudaha kursiga keydka ee Manchester United ayaa waxaa duubay taageere intii lagu jiray kulankii ay 4–4 la galeen Bournemouth habeenkii Isniinta.

Ciyaar xiiso badan oo ka dhacday Old Trafford, United ayaa hoggaan 4–3 ah u qabatay daqiiqaddii 79-aad kaddib gool uu dhaliyay Matheus Cunha, balse kooxda Amorim ma aysan awoodin inay ilaashadaan hoggaankaas, iyadoo Eli Junior Kroupi uu si qurux badan gool uga dhaliyay meel dhow, taas oo Bournemouth u suurtagelisay inay helaan barbaro.

Natiijadan ayaa United ku reebtay kaalinta 6-aad ee kala saraynta premier League halka ciyaarta kaddib Amorim uu si cad u muujiyay inuusan ku qanacsanayn qaabka difaaca kooxdiisa, gaar ahaan kaddib markii Bournemouth ay daqiiqadihii dambe dhibic la baxsatay.

“Waxaan u maleynayaa inaan si ka wanaagsan u cadaadineyno, sidoo kalena aan si fiican u xakameyneyno ciyaarta marka ay naga fog tahay goolkeenna. Laakiin waxaan ka liidannaa tayada marka aan difaaceyno goolkeenna. Taasi waa arrin aan u baahan nahay inaan wax ka qabanno, dabcan,” ayuu Amorim yiri shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta kaddib.

“Waxaan u maleynayaa inay aad u kala duwan tahay marka aad la kulanto goolal badan, halka kooxda kaa soo horjeedda aysan helin fursado la mid ah ama xitaa ku dhow tirada fursadaha aan annagu abuurno — taasi runtii waa mid aad u niyad jab badan. Laakiin waxaan u baahan nahay inaan si weyn uga shaqeyno habka aan u difaacanno gudaha xerada ganaaxa”

Si kastaba ha ahaatee, muuqaal hadda soo baxay ayaa muujinaya Amorim oo si gaar ah u tilmaamaya Yoro una dhaliilaya, isaga oo arrintaas kala hadlaya shaqaalaha tababarka Manchester United intii ay socotay ciyaartii ay la yeesheen Bournemouth.

Muuqaalka dhexdiisa, Amorim ayaa la arkayay isagoo ku soo laabanaya kursigiisa isla markaana gacmaha kala bixinaya, ka hor inta uusan si caro leh ugu qeylin af-Boortaqiis ah:

“Ciyaartu nus saac ayay socotay, maxaa Lenny sameynayaa?”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga