Michael Owen Oo Man City Iyo Arsenal Uga Digay Liverpool

Michael Owen wuxuu sheegay in Arsenal iyo Manchester City ay tahay inay ka baqaan Liverpool, isagoo weli ku qiimeeya inay yihiin “kooxda ugu fiican adduunka” marka ay qaabkooda ugu fiican ku jiraan.

Liverpool waxay ku guuleysteen horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii hore, iyagoo ku qaaday 10 dhibcood oo farqi ah, waxaana si weyn loo saadaaliyay inay difaacan doonaan horyaalka kadib markii ay lacag badan galiyeen Suuqii xagaaga.

Laakiin kooxda uu hogaaminayo Arne Slot waxay u muuqataa inay haatanba ka baxday tartanka horyaalka, kadib bilow aad u liita qeybta hore ee xilli-ciyaareedka, halkaas oo ay ku guuldareysteen 10 kulan dhammaan tartamada.

Difaac horyaal oo aad u liita ayaa sabab u noqday in Liverpool ay ku jirto kaalinta lixaad ee Premier League, iyagoo 10 dhibcood ka dambeeya hoggaamiyeyaasha hore ee Arsenal.

SI kasta ha ahaatee Liverpool ayaa dhinaca kale u rogaya natiijada xun iyaga oo guuldaro la’aan ah 5-tii Kulan ee Ugu dambaysay.

Inkasta oo Owen uu sheegay in kooxdiisii carruurnimada ee Liverpool aysan ku jirin qaabkoodii ugu fiicnaa, haddana wuxuu ku adkeystay inay weli yihiin “koox aad u xooggan”, taasoo ay tahay in labada koox ee ugu cadcad horyaalka — Arsenal iyo Man City ay ka baqaan.

Owen wuxuu filayaa in Liverpool ee uu hoggaamiyo Slot ay noqon doonaan koox u tartanta horyaalka inta ka dhiman tobankaan sano, wuxuuna ku doodaa inay weli yihiin “kooxda ugu fiican adduunka” marka ay gaaraan heerka ugu sarreeya ee ay awoodaan.

“Si cad, hadda ma ciyaarayaan qaabkoodii ugu fiicnaa,” ayuu Owen ka yiri Premier League Productions markii wax laga weydiiyay qaabka Liverpool”

“Mararka qaar way sameeyeen ciyaar fiican, balse si joogto ah uma aysan fiicnaan.

“Waxaan dareemayaa hadda inay u baahan yihiin inay dhaliyaan goolka ugu horreeya, sababtoo ah way nugul yihiin isla markaana fursado ayay ka dhalinayaan”

“Kalsoonida ah in aan gool laga dhalin (clean sheet) iyo in kulankii xiga la badiyo kadib safar Yurub ah oo ay ciyaareen kulan adag… tani waa koox aad u xooggan oo dhab ah.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga