Giroud Oo Chelsea U Sheegay Laba Xiddig Oo Ay U Baahantahay Suuqa January.

Weeraryahankii hore ee Chelsea Olivier Giroud ayaa sheegay laba ciyaaryahan oo uu rumeysan yahay in kooxdiisii hore ay tahay inay la soo saxiixato suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Isagoo ka hadlayay Sky Sports, Giroud wuxuu yiri Chelsea waxay u baahan tahay inay keento weeraryahan cusub iyo difaac dhexe bisha soo socota si loo xoojiyo kooxda uu tababaro Enzo Maresca.

Xiddiga Faransiiska ah wuxuu yiri:
“Isaga [Maresca] wuxuu u baahan yahay weeraryahan joogto ah oo wax soo bandhiga. Wuxuu u baahan yahay inuu helo ciyaaryahan fiican.”

“Ciyaaryahan si joogto ah usoo dhalin kara goolal toddobaad kasta. Kooxda dhexdeeda waxa yaalla hibbo aad u badan, balse waxaan u maleynayaa inuu u baahan karo khibrad dheeraad ah.

“Kooxdu waa mid aad u da’yar. Waxaa laga yaabaa inuu u baahdo, ama uu dareemayo inuu u baahdo, hal ama laba ciyaaryahan oo kale.

“Waxaa laga yaabaa difaac dhexe iyo weeraryahan lambarka 9-aad ah. Laakiin anigu waan jeclahay Delap. Haddii waqti la siiyo, waxaan aaminsanahay inuu noqon karo nooca weeraryahan ee shaqada qaban kara.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga