Weyne Rooney Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonto Premier League

Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisii ugu dambeysay ee ku aaddan horyaalka Premier League, wuxuuna sheegay in Aston Villa aysan haba yaraatee fursad u lahayn inay ka sarreeyaan Arsenal ama Manchester City.

Arsenal, oo aan ku guuleysan horyaalka Premier League tan iyo 2004, ayaa weli haysa hoggaan laba dhibcood ah oo ay ku hoggaaminayso jadwalka, inkastoo farqigaas uu yaraaday toddobaadyadii u dambeeyay.

Kooxda Mikel Arteta ayaa lumisay dhibco saddex ka mid ah shantii kulan ee u dambeeyay, ka hor guushii xamaasadda lahayd ee 2-1 ahayd ay Sabtidii ka gaareen Wolves oo ku jirta kaalinta ugu hooseysa.

Arsenal mar ayey hoggaan shan dhibcood ah ku lahayd tartanka horyaalka, balse Manchester City ayaa hoos u dhigtay farqigaas kadib markii ay guul weyn oo 3-0 ah ka gaartay Crystal Palace.

Arsenal ayaa sidoo kale wajahaya loollan horyaalka ah oo kaga imanaya tababarahoodii hore Unai Emery, kaas oo Aston Villa ku hoggaamiyay inay gaarto kaalinta saddexaad ee horyaalka, iyagoo saddex dhibcood oo kaliya ka dambeeya hoggaamiyeyaasha.

Inkasta oo qaab-ciyaareedka cajiibka ah ee Aston Villa — oo ay ku guuleysteen 10 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League — haddana Rooney wuxuu sheegay in aysan jirin wax fursad ah in kooxda Midlands ay ku guuleysato horyaalka.

Sidaas darteed, weeraryahankii hore ee Manchester United iyo xulka England ayaa aaminsan in tartanka horyaalka uu noqon doono labo-geesood toos ah oo u dhexeeya Arsenal iyo Manchester City, wuxuuna saadaaliyay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka markii ugu horreysay muddo 22 sano ah.

“Weli waxaan u maleynayaa in Arsenal ay yihiin kuwa ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka, balse waxay noqon doontaa mid aad u xiiso badan haddii Manchester City ay ku sii dhowaadaan,” ayuu Rooney, oo ah ciyaaryahan shan jeer ku guuleystay Premier League, ku yiri barnaamijkiisa BBC.

“Taas waxay dib u soo celin doontaa xusuuso ku saabsan ciyaartoyda Arsenal oo hore hoggaanka u hayay, balse Liverpool ama Man City ay ka xadeen horyaalka. Way xiiso badan doontaa.

“Arsenal weli aniga ayay ii yihiin kuwa ugu cadcad, balse City aad ayay u muuqdaan kuwo fiican. Weli waxaan doorbidayaa Arsenal marka la eego kooxda ay haystaan, hase yeeshee City mar kale waxay u egyihiin kuwo xooggan oo halis ah, taasina waxay carqalad ku noqon kartaa Arsenal marka la gaaro dhammaadka xilli-ciyaareedka.”

“Waxaan rajeynayaa inaysan sidaas noqon, aad ayaan u jeclaan lahaa in Arsenal ay ku guuleysato, balse haddii aan ahaan lahaa taageere Arsenal ah, taasi waxay ahaan lahayd walaacayga ugu weyn. Ciyaartoyda Arsenal way waalahanyihiiin hadii Ayna ka cabsan Arsenal”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga