Theo Walcott ayaa aaminsan in kooxdiisa uu aadka u jecel yahay ee Arsenal ay ka mid tahay saddex kooxood oo kaliya oo awood u leh inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa u muuqatay kuwo la baxsanaya premier League bilowgii xilli ciyaareedkan laakiin kulamadii ugu dambeeyay ayaa muujiyay in ay hoos u dheceen.
Arsenal ayaa u muuqatay inay lumin doonto dhibco kale Sabtidii, kaddib markii Wolves ay gool barbaro ah ka dhaliyeen daqiiqadihii dambe ee kulanka ka dhacay garoonka Emirates, hase yeeshee kooxda Mikel Arteta ayaa dhalisay gool guul ah daqiiqado ka sii dambeeyay, si ay uga fogaato natiijo niyad-jab leh oo ay kala kulmaan kooxda ugu liidata horyaalka.
Guushaas ayaa si ku-meel-gaar ah u kordhisay hoggaanka Arsenal ee horyaalka ilaa shan dhibcood, balse Manchester City ayaa mar kale soo yareysay farqiga kaddib markii ay 3-0 ku garaacday Crystal Palace Axaddii.
Iyadoo Aston Villa ay sidoo kale guul gaartay dhammaadka toddobaadka – kooxda Unai Emery ayaana laba jeer kasoo kabatay goolal looga hormaray si ay u garaacdo West Ham – hadda saddex dhibcood oo kaliya ayaa u dhexeeya saddexda kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League.
Aston Villa oo ku jirta kaalinta saddexaad ayaa shan dhibcood ka hormartay Chelsea oo afraad ku jirta, kaddib guulo xidhiidh ah oo ay ku badiyeen sagaal kulan oo xiriir ah dhammaan tartamada.
Aston Villa looma tixgelin inay ka mid yihiin kooxaha u tartamaya horyaalka bilowgii xilli ciyaareedka, balse Walcott wuxuu aaminsan yahay inay dhibaato noqon karaan kooxaha loo arko kuwa ugu cadcad horyaalka ee Arsenal iyo Manchester City oo si dhow ula socda hoggaanka.
Markii wax laga weydiiyay in Aston Villa loo tixgelin karo koox u tartameysa horyaalka kaddib guushoodii soo laabashada ahayd ee ay ka gaareen West Ham, Walcott ayaa BBC-da Match of the Day ka yiri:
“Waxaan u maleynayaa haa, runtii waan aaminsanahay.
“Marka aad bilow adag ku gasho xilli ciyaareedka, koox ahaan iyo ciyaartoy ahaanba laba waddo ayay u kala leexan kartaa, balse Unai Emery si cad ayuu kalsooni ugu abuuray kooxda”
“Hadda waxay ciyaarayaan kubbad aad u wanaagsan, aniga ahaan waa dhibaato ay kooxaha kale la kulmi karaan. Laakiin weli waan ka walwalsanahay Manchester City.”
Be the first to comment