Man City Oo Cadaadiska Ku Sii Xoojisay Arsenal, Crystal Palace Ayay Garaaceen.

Manchester City ayaa gaartay guul weyn oo 3-0 ah oo ay ka gaartay Crystal Palace, kulan ka tirsanaa wareegga 16-aad ee horyaalka Ingiriiska (Premier League), kaas oo ka dhacay garoonka Selhurst Park.

Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 41-aad, kaddib gool uu dhaliyay Erling Haaland oo caawin ka helay Nunes. Goolka labaadna waxaa dhaliyay Phil Foden daqiiqaddii 69-aad, isagoo ka faa’iideystay caawin uu sameeyay Ryan Cherki.

Daqiiqaddii 89-aad, garsooraha ayaa Manchester City u dhigay rigoore. Erling Haaland ayaa qaatay mas’uuliyadda rigooreha, isagoo dhaliyay goolka saddexaad ee City, kana dhigay kii labaad ee uu kulanka ka dhaliyo.

Guushan kaddib, Manchester City ayaa dhibcaheeda ka dhigtay 34 dhibcood, waxayna u kacday kaalinta labaad, iyadoo laba dhibcood ka dambeysa Arsenal. Dhanka kale, Crystal Palace ayaa ku haray 26 dhibcood, kuna jirta kaalinta shanaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga