Muxuu Maresca Ka Yidhi Guushii Ay Chelsea Ka Gaadhay Everton.

Chelsea ayaa gaartay guul muhiim ah oo 2-0 ah ay kaga adkaatay Everton, kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa wareegga 16-aad ee horyaalka Premier League-ga England, iyadoo goolasha ay dhaliyeen Cole Palmer iyo Malo Gusto.

Shirka jaraa’id ee ciyaarta kaddib, tababaraha Chelsea ayaa yiri:

“Waxaan aaminsanahay in guushan ay ahayd mid aad u muhiim ah. Everton waxay toddobaadkii la soo dhaafay ku jireen qaab ciyaareed wanaagsan, sidaas darteed waxay ahayd lama huraan inaan maanta badino. Waxaan u maleynayaa inaan si buuxda u qalannay guusha, dadaalka ay ciyaartoydu muujiyeenna wuxuu ahaa mid aad u heer sareeya.”

Maresca oo ka hadlayay qaab ciyaareedka Reece James ayaa yiri:

“Isagu wuu dalbanayaa wax badan, horumar weyn ayaana ka muuqda mar walba, taasina waa dareen wanaagsan, sababtoo ah waa ciyaaryahan aad noogu muhiim ah.”

Isagoo ka hadlayay Cole Palmer ayuu intaas ku daray:

“Marar badan ayaan sheegay inaan nahay koox fiican marka Palmer joogo. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan ciyaartoyda iyo guud ahaan kooxda, sababtoo ah waxaan ciyaarnay 16 kulan oo Premier League ah, shan ka mid ah annagoo aan haysan Moises Caicedo, 11 annagoo aan haysan Cole Palmer, inta badanna annagoo aan haysan Liam Delap. Kooxdani, qof kasta oo ciyaara, waxay soo bandhigtaa waxqabad aad u wanaagsan.”

Isagoo sii hadlayay waxqabadka Malo Gusto iyo ciyaartoyda kale ayuu yiri:

“Waxaan rabaa inaan ammaano dadaalka Malo Gusto iyo ciyaartoyda kale; runtii cajiib ayay ahaayeen. Tan iyo markii aan ku soo biiray kooxda, 48-kii saac ee la soo dhaafay waxay ahaayeen kuwii ugu xumaa, sababtoo ah dad badan ma aysan na taageerin. Sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay dadaalka ay muujiyeen Malo iyo ciyaartoyda kale, maxaa yeelay dhammaantood way joogaan, waxayna doonayaan inay caawiyaan kooxda.”

Ugu dambeyn ayuu yiri:

“Waxaan isku dayaa inaan ku qanciyo in tani ay tahay kubadda cagta, waana qayb ka mid ah ciyaarta, waana inaad diyaar u ahaataa. Mas’uuliyadda buuxda ee kulankii Leeds aniga ayaa iska leh; waxay ahayd qalad iga yimid dhanka xulashada ciyaartoyda iyo qorshaha ciyaarta. Ma ahayn qalad ay ciyaartoydu galeen. Waxaan aaminsanahay inaan horumar sameyneyno marba marka ka dambeysa, gaar ahaan iyadoo dhammaan duruufahan aan isku dayeyno inaan la qabsanno tan iyo maalintii koowaad.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga