Mikel Arteta ayaa sharraxay sababta uu William Saliba uga maqnaaday garoomada muddo ka dheer intii la filayay dhaawac dartiis, balse wuxuu rajo ka muujiyay in daafaca Arsenal uu ku dhow yahay inuu dib u soo laabto.
Saliba ma uusan ciyaarin tan iyo markii ay Gunners guul ka gaareen Bayern Munich 26-kii Nofeembar, kaddib markii uu tababarka dhaawac ka soo gaadhay isla markaas wakhtigaas lagu tilmaamay dhaawac fudud.
Arteta ayaa xilligaas tilmaamay in ciyaaryahanka reer Faransiis uu ku soo laaban doono “maalmo gudahood”, balse Saliba hadda wuxuu seegay afartii kulan ee ugu dambeeyay.
Weli shaki ayaa ka jira ka qeyb-galka Saliba ee kulanka ay Arsenal gurigeeda kula ciyaari doonto Wolves maalinta Sabtida.
Dhaawaca canqowga ah waa mid Saliba markii ugu horreysay ku qaaday horraantii xilli-ciyaareedka, kulankii ay la ciyaareen Liverpool ee Anfield.
“Waxay ahayd wax aad u yar,” ayuu Arteta yiri.
“Waxay ka timid dhaawac canqowga ah oo uu qabay, kaddibna waxay bilowday inay beddesho qaabka uu u ordayay iyo waxyaabaha la midka ah. Taasi waxay keentay inuu culays saaro meel kale oo jirka ah, waana arrin caadi ah.”
“Laakiin mar ayuu dareemay raaxo la’aan intii uuku jiray tababarka
sidaas darteed waa inaan joojinno.
“Hadda wuu ka fiicanyahay sidii hore, balse waa inaan sugnaa oo aragnaa in xaaladdiisu ku filan tahay inuu si buuxda ula tababarto kooxda.”
Markii wax laga weydiiyay hadalkiisii hore ee ahaa in Saliba uu maqnaan doono oo keliya maalmo kooban, Arteta ayaa ku jawaabay:
“Arrintaas weli sidii ayay tahay.”
Be the first to comment