Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Wolves, 9 Xiddig Ayaa Ka Maqnaan Kara Gunners.

Arsenal ayaa laga yaabaa inay ka maqnaadaan ilaa sagaal ciyaaryahan kulanka Sabtida ay la ciyaarayaan Wolves.

Cristhian Mosquera, Gabriel, Kai Havertz iyo Max Dowman si hubaal ah kama qeyb geli doonaan ciyaarta sababo la xiriira dhaawac.

Sidoo kale Riccardo Calafiori wuu maqnaan doonaa, maadaama uu ganaaxan yahay kaddib markii uu qaatay kaarkiisii shanaad ee jaallaha ahaa xilli-ciyaareedkan, kulankii ay Arsenal la ciyaartay Aston Villa usbuucii hore.

Myles Lewis-Skelly ayaa ku bilaaban doona daafaca bidix isagoo beddelaya Calafiori, halka Mikel Arteta uu rajeynayo in Jurrien Timber uu taam u noqdo si uu ula garab istaago Piero Hincapie bartamaha daafaca.

Jurrien Timber waa mid ka mid ah afar ciyaaryahan oo shaki laga qabo ka qeyb-galkooda kulanka Wolves ee ka dhacaya Emirates Stadium.

Declan Rice ayaa xanuunsanaa bartamihii toddobaadka, taasoo sababtay inuu seego guushii ay Arsenal ka gaartay Club Brugge. Leandro Trossard wuxuu la tacaalayaa dhibaato muruqa kubka ah, halka William Saliba uu la ildaran yahay dhaawac anqawga ah.

Arteta waxaa laga yaabaa inuusan ku degdegin soo celinta Rice, maadaama uu dooran karo inuu ku ciyaaro saddexley khadka dhexe ah oo ka kooban Eberechi Eze, Martin Ødegaard iyo Martin Zubimendi.

Arsenal ayaa horraantii xilli-ciyaareedkan horey ugu ciyaartay Eze iyo Ødegaard labo No.8 ah markii ay martigeliyeen West Ham.

Dhanka weerarka, Viktor Gyökeres ayaa rajeynaya inuu mar kale hoggaamiyo weerarka kaddib markii uu kusoo bilowday kulankii Club Brugge isla markaana uu ciyaaray wax ka badan saacad.

Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Wolves:

Raya; White, Timber, Hincapie, Lewis-Skelly; Odegaard, Zubimendi, Eze; Saka, Gyokeres, Madueke

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga