Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Brighton

Liverpool ayaa dib ugu soo daray Mohamed Salah liiska ciyaartoyda kulanka ay la leeyihiin Brighton, iyagoo doonaya inay sii dhisaan natiijadii wanaagsanaa ee ay heleen bartamihii toddobaadka.

Kooxda Reds, oo si lama filaan ah dhibco ugu lumisay kulankii Leeds United ee premier League ayaa habeenkii Salaasadii diiwaangelisay guul weyn oo ay ka gaartay Inter Milan kulan ka tirsanaa Champions League.

Guushii ka dhacday San Siro waxaa Liverpool gaartay iyadoo Mohamed Salah uusan safarka ku jirin, kaddib markii laga reebay liiska ciyaartoyda u safray kulankaas sababo la xiriira falcelin xooggan oo uu muujiyay kaddib markii mar kale kursiga keydka lagu reebay kulankii Elland Road.

Sidaas darteed, diyaar-garowga kulanka Brighton waxaa si weyn u qabsaday arrinta Salah iyo su’aasha ah in Arne Slot uu dib ugu yeeri doono ciyaaryahanka si uu u ciyaaro kulanka ugu dambeeya ka hor inta uusan u ambabixin Koobka Qaramada Afrika (AFCON) isaga oo la socda xulka Masar, taas oo u muuqata inay dhici doonto kaddib wada-hadallo wanaagsan oo Jimcihii dhex maray labada dhinac.

Salah waxaa laga yaabaa inuu ku qanco kursiga keydka marka dib loogu yeero liiska ciyaarta Liverpool, maadaama Arne Slot uu dooran karo inuu sii wato lammaanaha weerarka ee Alexander Isak iyo Hugo Ekitike — gaar ahaan iyadoo Cody Gakpo weli ka maqanyahay sababo la xiriira dhaawac muruq ah.

Halkan kaga bogo Shaxda Ay  Liverpool kaga hor tagi karto Brighton:
Alisson; Gomez, Konate, Van Dijk, Kerkez; Gravenberch, Szoboszlai, Mac Allister, Wirtz; Isak, Ekitike

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga