Enzo Maresca ayaa helay war dhiirrigelin ah ka hor kulanka Chelsea ay la ciyaarayso Everton ee Premier League, iyadoo Wesley Fofana uu diyaar u yahay inuu ciyaarta ku bilaabo, halka Cole Palmer la filayo inuu isaguna ciyaaro.
Maresca ayaa xaqiijiyay in daafaca dhexe ee Faransiiska ah uu hadda yahay “mid gebi ahaanba caafimaad qaba”, isla markaana uu u tartamayo inuu ka ciyaaro kulanka Everton ee Sabtida ka dhacaya Stamford Bridge.
Palmer ayaa isuguna ciyaari kara kaddib markii uu seegay safarkii Atalanta si loo maareeyo culayskiisa ciyaareed, balse weli 100 boqolkiiba diyaar ma aha maadaama uu qabay dhibaatooyin ku saabsan gumaarka iyo suulka lugta. Sida uu sheegay Maresca.
Moises Caicedo, oo ciyaaray dhammaan daqiiqadihii kulankii dhex maray Chelsea iyo Atalanta ee Talyaaniga bartamihii usbuuca, mar kale wuu maqnaan doonaa maadaama uu dhammeystirayo kulankii ugu dambeeyay ee ganaax saddex kulan ah oo gudaha dalka ah, kaas oo lagu saaray kulankii Arsenal.
Kabtanka Chelsea Reece James ayaa laga yaabaa in nasasho la siiyo kulanka Everton, kaddib markii uu dhawaan ciyaaray laba kulan oo min 90 daqiiqo ah oo ay Chelsea la ciyaartay Bournemouth iyo Atalanta. Xilligan ma awoodo inuu saddex jeer toddobaadkii ciyaaro.
Be the first to comment