Tababaraha xulka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa saadaaliyay in Arsenal aysan ku guuleysan doonin Champions League xilli-ciyaareedkan.
Gunners-ku waxay guuleysteen dhammaan shanta kulan ee ay illaa hadda ciyaareen, waxayna hoggaaminayaan wareegga kooxaha iyagoo leh 15 dhibcood.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ka adkaatay kooxo ay ka mid yihiin Atletico Madrid iyo Bayern Munich intii ay socotay ciyaarahaas, iyagoo hal gool oo keliya laga dhaliyay.
Arsenal waxa ay dad badan u arkaan kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Laakiin Ancelotti, oo laba jeer tartanka kula guuleystay AC Milan iyo saddex jeer Real Madrid, ayaa dareensan in mid ka mid ah kooxihiisii hore ay noqon doonto kooxda hanata.
Wareysi uu siiyay TNT Sport, Ancelotti ayaa la weydiiyay kooxdee uu u maleynayo inay ku guuleysan doonto Champions League, wuxuuna si fudud u ku jawaabay: “Real Madrid-gayga.”
Be the first to comment