Ciyaaryahankii hore ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa sheegay in aysan jirin ‘fursad’ ay Arsenal ku hanan karto Premier League xilli-ciyaareedkan.
Scholes wuxuu xusay in Gunners-ku ay ku guuldareysteen inay si fiican u ciyaaraan qaar ka mid ah kulamada waaweyn ee laga filayay inay guuleystaan. Wuxuu sheegay in kooxda Mikel Arteta ay tahay inay bilowdo inay ‘ka muuqato’ kulamada waaweyn.
Inkasta oo ay Arsenal guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Aston Villa, Hadana Arsenal ayaa 2 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League.
Si kastaba ha ahaatee, Scholes ayaa sheegay in kooxda Arteta ay u baahan tahay inay bilaabaan inay “kulamada waaweyn” badiyaan haddii ay rabaan inay qaadaan koobka Premier League.
“Man City fursad weyn ayay haystaan, miyaanay ahayn?” ayuu yiri Scholes isagoo ka hadlayay barnaamijka The Good, The Bad & The Football.
Wuxuu intaas ku daray: “Weli ma aaminsani inay (City) si fiican yihiin, laakiin mar kasta waxay sii wanaagsanaadaan qeybta labaad ee xilli ciyaareedka, halka Arsenal ayan awoodin inay badiso kulan weyn.
“Ilaa ay Arsenal bilaabaan inay kulamada waaweyn badiyaan, fursad uma hayaan inay horyaalka ku guulaystaan”
Laacibkii ku guuleystay Premier League 11 jeer ayaa xusay kulamo muhiim ah oo Gunners ay ku fashilmeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin guuldarradii Liverpool iyo in ay ka badin kari waayeen Man City sidoo kale ay ka badin kari waayeen Chelsea.
“Arsenal si fudud uma badin karto kulamada waaweyn,” ayuu raaciyay, isaga oo sidoo kale xusay in kooxdu ay ku guuldareysatay inay garaacdo Chelsea oo ilaa toban ciyaaryahan ku ciyaaraysay.
Scholes wuxuu adkeeyay in koox kasta oo rajo ka leh hanashada Premier League ay tahay inay noqdaan kuwo ka adkaan kara kooxaha waaweyn iyo kuwa ay xafiiltamaan, isagoo leh:
“Iyagu (Arsenal) taasi ma awoodo.”
“Taariikh ahaan, Man City mar walba xilli ciyaareedka ka dib bisha January ayay ka sii fiicnaadaan,” ayuu sheegay.
Be the first to comment