Carlo Ancelotti Oo Magacaabay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha xulka Brazil Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu u arko Arsenal kooxda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Ancelotti wuxuu saadaashiisa ka bixiyay wareysi uu siiyay TNT Sports.

Waxa uu yiri:
“Yaa ku guuleysanaya Premier League? Arsenal.”
“Waxaan ahay taageere Premier League-ka, waxaana u maleynayaa inay si fiican ku bilaabeen. Waxay dhisteen koox adag. Dabcan waxaan taageeraa Arsenal sababtoo ah waxa u ciyaara Gabriel iyo xiddigo kale oo Brazil ah, Waxaan taageeraa Tottenham sababtoo ah Richarlison. Waxaan taageeraa ciyaartoyda Brazilianka ah.”

Arsenal ayaa haatan kaliya 2 dhibcood ka  horaysa Kooxda Man City kadib markii laga badiyay Arsenal kulamadii todobaadkan isla markaas Arsenal badisay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga